Hot Topics

Farmaajo oo aqbalay kor joogtada Somaliland ee shirka Midowga Africa

Wasiirka arimaha dibada Eretereya,ayaa kal hore tagay Hargaysa,isagoo ka wakiil ah Abiye.

Kulan gaar ah oo dhexmaray Muuse Biixi iyo Wasiirka Arimaha dibada Eretereya,ayaa lagu jeexjeexay qorshe lagu wada hadal siinayo Farmaajo.

Muuse Biise waxuu ka aqbalay Wasiirka codsi ahaa in uu wada hadal la furo Dowlada Fadaraalka Somaliya.

Kadib Socdaalka Wasiirka ,waxaa Hargaysa ka tiro dhawr jeer tagay Diblomaasiyiin Eretereyan ah oo sii waday ukala dabqaadida labada dhinac.

Somaliland aqbalaada hor fariisiga Farmaajo waxay ku xirtay laba shuruudood oo kala ah…

B.In Sool iyo Sanaag Dowlada Fadaraalku u aqoonsato Dhul Somaliland si cad.

T.In Shirka Midowga Africa ay ku yeelato kursi kor joogto ah.

Shuruudahaas labada ah Farmaajo waa aqbalay si buuxda,waxaana lagu balamay fulintooda.

Muuse Biixi oo sidii balanku ahaa maqaam sare loogu soo dhaweeyay,ayaa Adis ka dagay,isagoo isu diyaarinaya goobjoognimada shirka Midowga Africa.

Balse dadaal xoog badan oo Diblomaasiyiin Somaliyed,ay sameeyeen,waxaa lagu guulaystay in Somaliland loo diido kor joogtinimadii shirka.

Dowladaha Masar,Jabuti,Zambia,South Africa,ayaa si cad udiiday kor joogtanimadii Somaliland ee shirka.

Halkaas,waxaa ku fashilmay qodob ka mid ah shuruudihii Somaliland.

Sidoo kale Qodobka labaad ee Sool iyo Sanaag,ayay dad xog ogaal ah tilmaamayaan in uusan fuli doonin oo uusan Farmaajo awood ulahayn.

Waxgarad kasoo jeeda Sanaag,ayaa maanta la kulmay Safiirka Somaliya ee Itoobiya Camey,waxayna kala hadleen heshiiskaas la sheegay,balse waxuu ku dooday in Ssnaag aysan ku jirin oo Sool qura la raaacin doono Somaliland.

Jibril Qoobey.