Hot Topics

Maxay ku heshiiyeen Farmaajo iyo Muuse Biixi

Muuse Biixi iyo Farmaajo,ayaa ku kulmay gudaha Xaafiiska Ra’isalwasaaraha itoobiya Attoo Abiye.

Kulanka,ayaa qaatay mudo 40-daqiiqo ilaa hal saac ah,sida ay xaqiijisay idaacada VOA laanteeda Afka Somaliga.

Xogaha laga helayo Qodobadii ay uga wada xaajoodeen Shirkii Galabta Muuse Biixi iyo Farmaajo,ayaa waxaa ka mid ahaa..

  1. In aan arinta Sool lagala hadlin Somaliland oo ay sidaa ku ahaadaan,Mustaqbalka Marka qodabkaasi Yimaado ay Ciidamada Itoobiya lagu Wareejiyo.
  2. Arrinta Wada hadalada in aan lagu Soo dari Karin Dhinaca Soomaaliya Siyaasiyiinta Gobolada Sool iyo Sanaag.
  3. In Wada hadalada laga Wareejiyo Turkiga Oo wadamo gaar ah ee Africanka ah la wareegaan.
  4. In Wada hadaladan lagu Soo dhameeyo Muda gaaban oo Sanadka ah 2020-ka.
  5. In heshiiskii Dawladii Xassan Shiikh sidii hore loo daayo oo wixii hore halkii laga sii anba qaado.

Waxaa xusid mudan in waftigii Farmaajo la socday caawa dib loogu ceshay Muqdisho.

Ujeedka celinta waftiga,ayaa lagu sheegay si aysan waxba uga ogaan wada xaajoodka.

Jibril Qoobey.