Hot Topics

Video:-Villa Somaliya oo ku guul daraysatay hor istaaga Shirkii Mudulood

Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho shirka watashiga beelaha Mudulood iyadoo ay ka soo qeybgaleen duubabka dhaqanka Beesha, Xildhibaanada labada Gole Baarlamaanka Federaalka, xubno ka tirsan Dowlad goboleedka Hirshabelle, Siyaasiyiin, Madaxweynayaashi hore.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ka mid ah mas’uuliyiintii ka qeybgashay ayaa waxa uu ku baaqay in shirkan uu noqdo mid sii ballaarto oo dhammaan beelaha Soomaaliyeed loogaga sii gudbo.

Mar uu ka hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya warar sheegayay in shirka wadatashiga Mudulood la joojiyay ayaa sheegay inaysan suurtogal ahayn in la caburiyo shacabka ayna xaq u leeyihiin inay shiraan,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka