Puntland oo samaysay markale Taariikh

Aadbaan ugu faraxsanahay sida wax udhaceen caawa.Dulaal iyo danayste waa loo dayriyay dalkuna horay buu usocday.

Puntland shir ay kasoo qaybgaleen ergooyin gaaraya 1825-Qof ayay qabsatay.

Si hufan oo xor ah,ayaa loo dooday layskuna waydaarsaday afkaarta iyo aragtiyaha kala duwan.

Waxay muujisay Puntland markale sida Bulshadeedu ubisishahay uga gudubtay yooyootan,muran iyo fawdo.

Puntland waxay Somalida iyo caalamkaba tustay Wadaniyada iyo Somalinimada cid uga horaysaa in aysan jirin oo iyagu ay tilmaan gaar ah uleeyihiin.

Puntland waxay muujisay in haldoor fara badan unool yahay oo hankoodu ka sareeyo dan gaar ah.

Dowlada Puntland ee xiligan fadhida Villa-da waxaa lagu bogaadin karaa sida ay u maamushay una hogaamisay Shirka.

Dowladnimada Puntland ha xoogaysato.