Hot Topics

Puntland oo iska diiday Agab caafimaad oo laga soo qaadi lahaa Muqdisho.

Dowladda Puntland ayaa iska diiday Diyaarad Muqdisho ka soo qaadi lahayd agab caafimaad oo shiinaha iyo Turkigu ugu deeqeen Soomaaliya, sida ay ilo rasmi ah ay u xaqiijiyeen Shabakadda Idil News.

Diyaaradan oo maanta lagu waday inay kasoo degto magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, ayaa Puntland joojisay kaddib markii la sheegay inay Dowladda Federaalku ay kusoo dareyso shaqaale katirsan Wasaaradda Caafimaadka XFS iyo Xafiiska Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Wararka ayaa sheegaya inay Puntland ay iska diiday in agabkan oo ka kooban dhowr kartoon Face-mask ah iyo Af-xir, ayaa Puntland sheegtay in aysan doonay in la isku sawirro xilligan adag agab deeq caalamku uu siiyay Soomaaliya ah, kuwaas oo intoodii tayada laheyd ay la hartay Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay XAMAR.