Hot Topics

VIDEO: Howlgallo culus oo ka socda Gaalkacyo

Ciidanka Amniga Dowladda Puntland ayaa howlgallo culus ka wada magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, iyagoona Ciidanku ay bartilmaameedsanaya goobo gaar ah oo la tuhunsan yahay inay saldhig u yihiin kooxaha falalka ammaan daro ka geysta magaalada Gaalkacyo.

Howlgaladan oo uu hoggaaminayo Taliyaha cusub ee Qeybtii Booliska Gobalka Mudug G/sare Muumin Cabdi Shire, ayaa si xariir ah uga socday magaalada Gaalkacyo, waxaana Ciidanku ay gacanta ku dhigeen xubno katirsan Argagixisada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur-yare, ayaa ku eedeeyay odayaasha dhaqanka Gobalka Mudug inay isku dayayaan inay caqabadeeyaan howlgalada ka socda Gaalkacyo, iyagoo soo dhoobanaya Saldhigyada Ciidanka marka Ciidanku soo qabtaan qof laga shakisan yahay.