Hot Topics

DF Soomaaliya oo loogu baaqay taageerada Heshiiskii Jubbaland

Illaa 11 Xildhibaan oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyeen taageeradii ay Wakiilada Beesha Caalamaku u muujiyeen Heshiiskii dhex maray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo xubnihii Golaha Isbedel-doonka ee kasoo hor jeeday.

Qoraalka ay soo saareen Xildhibaanada oo ka kooban lix qodob, ayey sidoo kale xubnaha ku saxiixani kusoo dhaweeyeen heshiiskii Dhuusamareeb ku dhex maray Madaxweynaha Galmudug QoorQoor iyo Madaxweynihii ka horreeyey Axmed Ducaalle Geele Xaaf.

Ugu dambeyntii, Xildhibaanada ayaa Xukuumadda Federaalka ugu baaqay inay taageerto heshiiskii Madaxweynaha Dowlad Gobaleed Jubbaland iyo
xubnihii Golaha isbedel-doonka Jubaland, kaas oo ay ku tilmaameen mid loogu turay dadka reer Jubbaland.