Hot Topics

Laamiga isku xira Laag iyo Kalabayr oo dib loo dayactiray

Laamigan waa kan isku xira Bosaso iyo Gaalkacyo,gaar ahaan inta udhaxaysa Kalabayr iyo Laag.

Madaxweyne Deni,ayaa ku amray Shirkada dhista Wadada Ceel-daahir-Ceerigaabo in ay bilaabaan dib udayactirka Laamiga dheer meelaha ugu daran ee halista ah.

Bil kadib bilaabida dib udayactirkaas waxaa lagu guulaystay 4-Km oo ah halkii ugu burbursanayd in la dhiso.

Sida masuuliyiinta gacanta ku haya hawshu sheegeen bil kale,ayay qaadan doontaa dhamystirka 4-ta km.

Dhaqaalaha,qalabka iyo aqoontaba waxaa leh Puntland,waana qorshe hadii lasii wado lagu dhisi karo Laamiga dheer oo idil.

Madaxweyne Deni taariikhduu ku galayaa haduu ku adkaysto sii wadida qoondada dhaqaale ee uu galiyay qorshahan hada guusha umuuqda.

Isku tashi la taaban karo.

Jibril Qoobey.