Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Agaasimaha Madaxtoyadda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 43 ee 16ka May, 2020, ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiidsa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Maxamed Cabdirashiid Cali loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=