Yuhuuda asalkoodu Itoobiyaanka yahay oo wasiir muhiim ah helay

Pnina Tamano-Shata saxafiyad hore oo aan ku dhalan Srael,ayaa noqotay Wasiir.

Pnina Tamano-Shata waa 39-jir lagu keenay Srael da’da 3-sano jirka ah kana soo jeeda Bulshada ugu faqrisan Yuhuuda ee asalkeeda Itoobiyaanka ah.

Bulshadaas oo lagu qiyaaso in ka badan 140.000,ayaa la kulmayay mudo dheer cunsiriyad,midab kala sooc,shaqo la’aan iyo cadaadis si gaar ah Boolisku uga hayo.

Mudo dheer oo ay kusoo jireen mudaahaaraadyo iyo cabashooyin waxay umuuqdaan in ay Bulshada Yuhuuda la jaanqaadeen oo ay dhexgalayaan.

Ciidanka,Looyarada,Dhakhaatiirta iyo Siyaasada,ayaa si weyn looga dhex arkaa xiligan.

Pnina Tamano-Shata Gabadha noqotay Wasiirka socdaalka waxay iyada iyo qoyskeeda oo ka koobnaa 7-Qof ka mid ahaayeen 16000 Itoobiyaan Yuhuud ah oo lug uga soo baxay Guryahoodii Waqooyiga Itoobiya bilowgii sideetameedyadii.

1500 oo ka mid ah Dadkaas ayaa Wadada kuusoo geeriyooday waxayna soo gaareen markii danbe xero Qaxooti oo ku taal Sudan.

5-sano kadib hawlgalkii ku magac dheeraa (Operation Moses) ee ay fuliyeen sirdoonka Yuhuuda,ayaa lagu soo daabulay 7000 oo ka mid ahaa dadkaas.

Jibril Qoobey.