Hot Topics

Puntland: Tirada dadka uu ku dhacay COVID-19 oo korortay

Guddiga Dowladda Puntland u qaabilsan wacyi-gelinta iyo xakamaynta cudurka Coronavirus ayaa sheegay in 12 ruux oo cusub laga helay cudurka COVID-19, kaddib baaritaan lagu sameeyay 51 qof oo looga shakiyay cudurka.

12 Ruux ee laga helay cudurka COVID-19, ayaa 6 kamid ah kunool yihiin Gobalka Bari, halka 4 ay kunool yihiin Gobalka Nugaal, waxaana 2 qof ee kale ku sugan yihiin Gobalka Mudug, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland.