Hot Topics

Faallo:-Taariikhda wax maka baran doonaa Farmaajo?

“Siyaasada intaan ka aqaan shido lama abuuro hadii ay jirtana waa la yareeyaa”Madaxweyne Gaas.

Markale Madaxweyne Gaas oo tala siinaya madaxda Fadaraalka ee hada xilka haysa waxuu yiri…

“Kursiga iskama fadhiyi kartid oo xili basd leedahay marka taariikh baa laga tagaa ee Madaxda Fadaraalku haka tagaan taariikh”.

Idaajaa oo Siyaad Barre kula taliyay 1979 in uu talada wareejiyo isagoo la jecel yahayna ka dago,balse ka biyo diiday,ayaa 1992-Baardheere kula kulmay isagoo si foolxun Xamar looga soo saaray.

“Waxii aad igula talisay 1979 ee aan kaa diiday saakay ayay ihaystaan oo anoo karaamo leh kursiga wareejiye baan diidaye anoo dulaysan ayay iga soo saareen Muqdisho”Siyaad,ayaa sidaa ku qamuumyooday,,,,,,, (Xigasho Idaajaa).

Xasan Shiikh Galmudug,Koonfur-galbeed iyo Hir-Shabelle gacan buu ku haystay Jubaland iyo Puntland waxbay kala goosteen beesha caalamka waa isfahansanaayeen oo kuma ad-adkayn hadana uma suuroobin mudo kororsi iyo doorasho isagu farsamaystay nooceeda ugu danbayna Somali,ayuu taladii kusoo celiyay.

Farmaajo taariikhda dib ha umilicsado oo jabkii Jaalle Siyaad ha akhriyo ama Xasan Shiikhii kursiga ku wareejiyay.

Karti uyeelan waa in uu dalka 4-sano horay udhaqaajiyee maanta ha uyeesho karti in uu talada dhulka dhigo!!

Jibril Qoobey.