Hot Topics

Faallo:-Yaa ku guulaysan doona Hardanka siyaasada Somaliya?

Arimaha ka dhacaayey Muqdisho iyo qoraalada ka soo kala baxay Aqalka Senators-ka, Garowe iyo Kismaayo waxaa ay muujinayaan in labo kooxood ay ku herdamayaan siyaasadda Soomaaliya ayan aakhirka guushu raacidoonto kooda 1aad. Sida aniga ii muuqata, labadaas kooxood ayaa kala ah;

1) Xisbiyadda Mucaardka ee Madasha Qaran, PM Xassan Khayre, Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo Galmudug, iyo

2) Dhanka kale oo ah, Madaxweyne Farmaajo, Gudoomiyaha iyo Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda Barlamaanka Federalka Soomaaliyeed, Koonfur Galbeed iyo Fahad Yaasin.

Waxaa la rajaynayaa in shirku dhowaan dhico, maadama Madaxweyne Deni, Galmudug iyo Aqalka Senators-ku ay si gooni gooni ah gogol u fidiyeen. Waxaan odorosayaa in 3 meel mid uun uu ka dhaco, kuwaas oo kala ah;

a) Garowe oo gogoshaas dhowr bilood ka hore la dhigay, laakiin Madaxweyne Farmaajo ka caga jiidey,

b) Galmudug oo Qoor Qoor hada ka hor fidiyey, iyo

t) Muqdisho oo Gudoomiyaha Aqalka Senators-ku shalay dhigay.

Meeshii la doono halaysugu yimaadee, waxaan rajaynayaa in dhowaan laysu yimaado. Isu imaadkaasna waxaan filayaa in wax wanaagsan ay ka soo baxaan, In Sha Allaah.

Cisse Dholowaa.