Hot Topics

Jahwareer ka taagan Villa Somaliya

Jahwareer xoog leh,ayaa ka taagan Villa Somaliya xili Somalida iyo beesha caalamku ay Farmaajo ka sugayaan go’aan.

Sida xoguhu sheegayaan Farmaajo waxuu indhaha ku kala qaaday isagoo cidlo taagan oo aanan hayn Sxb siyaasadeed iyo dhaqaale.

Khayre si cad,ayuu ugu sheegay Farmaajo in qorshihiisa doorasho ee qof iyo cod uusan soconayn oo uu aqbalo waaqiciga.

Sidoo kale Fahad Yaasiin waxay xogtu sheegaysaa in uu laba canlaynayo oo uu jiro qorshe uqarsoon.

Caawa ilaa beri subax waxaa la filayaa in Galmudug ay soo saarto go’aankeeda soona raacdo garabka Puntland hogaaminayso ee ku baaqaya in dalka la badbaadiyo.

Farmaajo waxaa looga fadhiyaa in uu wajaho waaqiciga maalmaha uharayna ka shaqeeyo in uu sharaf ku dhamaysto.

Jibril Qoobey.