Hot Topics

Aaran-jaan oo ku hawlan fashilinta hawlgalada Mudug!!

Dowlada Puntland Gobolka Mudug dhanka amaanka si weyn ayay uga hawlgashay.

Qorshe balaaran oo gaarsiisan in lala hawlgalo maamulka Galmudug ee ka arimiya Xaafada Baraxley,ayaa hirgalay .

Baraxley ama Wadajir waa mid ka mid ah Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo oo uu ka arimiyo si guud maamulka Galmudug.

Xaafada Baraxley waxay hoy unoqotay oo si weyn usaldhigtay argagixisada iyo Danbiilayaasha kale.

Meel laga soo abaabulo qaraxyada,dilalka iyo dhaca laga fuliyo 4-ta Xaafadood ee kale oo ay Puntland ka arimiso ayay noqotay.

Xaafada Baraxley waxaan awood buuran ku lahayn maamulka Galmudug dhan walba taasina waxay suurta galisay in argagixisadu degto kuna dhex milanto shacabka caadiga ah,ganacsatada,Culumada,Isimada iyo Ciidanka.

Puntland oo culays amaan dhankaas ka haystay,ayaa xiriir la samaysay maamulkii cusbaa ee Galmudug,iyadoo laysla qaatay wada shaqayn buuxda oo waliba Puntland ay maalgalinta yeelato.

Fiqi iyo Ciidan uu wato,ayaa soo gaaray Baraxley waxayna si buuxda uga hawlgaleen Xaafada,iyadoo ay caawiyeen Ciidamada Booliska,PSF,Danab iyo 21-aad.

Taasi waxay keentay in xubno muhiim ah oo argagixisada ah la dilo qaarna la qabto.

Sidoo kale danbiilayaal kale,ayaa gacanta lagu dhigay,iyadoo loo dhacay godad badan oo Xaafada Baraxley ku yaalay oo amniga Gaalkacyo khatar ku ahaa.

Sida xogaha amni ee ugu danbeeyay ay sheegayaan,waxaa la burburiyay shabakadii Alshabaab ee Gaalkacyo ka hawlgalaysay inteedii badnayd.

Ilaa iyo hada waxaan gacanta lagu dhigin hal xubin oo muhiim ah,kaasoo Ciidanku dabagal xoog leh ku hayaan.

Guud ahaan Wadooyinka soo gala Magaalada,ayaa baaris lagu hayaa,iyadoo gacanta lagu dhigay ganacsato,Culumo,dhalinyaro,Haween iyo Askar siyaalo kala duwan argagixisada ula shaqaynayay.

Gaalkacyo waxay umuuqataa in ay u dhaqaaqday dhanka wanaaga,isku duubnida,is dhexgalka iyo xoojinta amaanka.

Talye Muumin oo ah hogaanka hawlgalkan iyo Talyaha Booliska Gobolka waa la mahdiyay shaqadiisa gudo iyo dibadna waxuu ku kasbaday taageero iyo garab istaag.

Dowlada Puntland oo qorshahaan iyadu lahayd,isla markaana maalgalisay bogaadin bay mudan tahay.

Balse waxaa jira xogo hoose oo sheegaya in Talye Muumin Garowe loogu yeeray,isla markaana Wasaarada Maaliyadu hoos udhigtay miisaaniyadii hawlgalada amaan ee Gobolka,taasoo umuuqan karta qorshe curyaamin ah oo lagu fashilinayo hawlaha socda.

Madaxweyne Deni waxaa lagu baraarujinayaa in uu ka feejignaado khatarta Aaran-jaan iyo kacdoonka ka dhalan kara fashilinta hawlgalada Mudug.

Reer Gaalkacyo waxaa laga rabaa in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka,isla markaana isha ku hayaan wararkan soo baxaya ee lagu fashilanayo guulaha niyada shacabka kasbaday ee soo nooleeyay Mudug.

Jibril Qoobey.