Hot Topics

Aadan Faarax oo la wareegay hogaaminta Aqalka-sare ee Itoobiya

M-xigeenkii is Maamulka Somalida Ethiopia Aaden Faarax,ayaa si rasmi ah xilka Afhayeenka Aqalka-sare ula wareegay.

Aadan ka hor M-xigeenka waxa uu soo noqday Duqa Dirirdhabe.

Waxbarashadiisa hoose iyo mida sareba waxuu ku qaatay gudaha dalka Itoobiya.

Aadan waxuu badalay oo kursigan iska casishay isniintii Keeriya Ibraahim oo kasoo jeeda ismaamulka Tigreega.

Iscasilaadeeda,ayaa salka ku haysa khilaafka udhaxeeya Tigreega iyo RW Abiy.

Waa markii ugu horaysay taariikhda Itoobiya oo Qof Somaliya darajadaas oo kale gaaro.

Maxammed Rashiid oo ahaa ku xigeenka Aqalka,ayaa kasoo jeeday Qowmiyada Somalida,balse hada ku waayay kursigaas awood qaybsiga Deegaamada,iyada oo uu badalay Etsegenet Mengitu.

Jibril Qoobey.