Hot Topics

Gaas iyo Qoor-qoor oo Gaalkacyo ku kulmay

Madaxweynihii hore ee Puntland Gaas iyo Madaxweynaha xiligan ee Galmudug Qoor-qoor waxay ku kulmeen Gaalkacyo xili labadoodu siyaabo kala duwan usoo gaareen Gobolka.

Gaas fasax shaqsiyadeed,ayuuu ku yimid Gobolka ,halka Qoor-qoor kusooo gaaray safar shaqo.

Arimo muhiim ah ayay kawada hadleen oo dan u ah Gobolka labada maamul iyo guud ahaan Somaliya.

Sida qorshuhu yahay Mudug bishan 15-keeda waxii ka danbeeya,waxaa gaari doona wafti balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweyne Deni.

Ma cada in Qoor-qoor kusii sugnaan doono Gaalkacyo si uu ula kulmo Madaxweyne Deni.

Jibril Qoobey.