Hot Topics

Gudoomiyaha Aqalka-sare oo udigay Madaxda sare

Waxaan muddo dheer madaxda dalka ka waaninaynay inaanay faraha la galin iska horimaad siyaasadeed oo ka dhasha damacood mudda kororsiga ah.

Nasiib darro wax badan kama aanay qaadan talladaas balse waxay qaadanayaan wax lasta oo ka dhasha tallaabooyinka sharciga baal marsan ee ay maleegayaan.

Waxaan u cadaynayaa ummadda soomaaliyeed mar kale in aqalka sare aanu aanu qayb ka hayn hungurina uga jirin wax muddo kordhin ah, waxaan kaloo xaqiijinayaa inaan marar badan isku daynay inaan ku qancino madaxda dalka inay ka dhowrsadaan dhibta ka imaan karta arintaas.

Waxaan diyaar u nahay inaan kala shaqayno axsaabta, dowlad goboleedyada iyo dhamaan saamilayda siyaasadeed sidii looga badbaadi lahaa dalka qalalaase intaa ka badan waxaan ku baaqayaa in 25/2020 la isugu yimaado shirwayne qaran oo lugu badbaadinayo qaranka.

Waxaan ugu baaqayaa cid kasta oo wax ka gasha Nabad iyo Nolol inay ku waaniyaan tubta saxda ee dantu ugu jirto dalka iyo iyagaba annugu khaatir ayaan ka joogaa qoladaas.

Gudoomiyaha Aqalka-sare. Cabdi-xaashi