Hot Topics

Shirkii Khamiislaha ee Golaha Wasiirada Fadaraalka oo baaqday

Shirkii khamiislaha ee Golaha Wasiirada Fadaraalka,ayaa baaqday,waxaana fariimo loo kala diray Wasiirada.

Tan iyo intii Golaha Baarlamaanka fadhigiisu furmay Villa Somaliya waxaa soo wajahay culays siyaasadeed.

Sidoo kale waxaa cadaadis uga imaanaya Aqalka-sare ee Baarlamaanka,Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo beesha caalamka.

Cadaadiskaas,ayaa ku salaysan hanaanka doorasho ee dalku galayo iyo in Farmaajo aqbalo shir wadatashi.

Jibril Qoobey.