Hot Topics

Video:-Gudiga Gurmadka Qardho oo shaaciyay dhaqaalaha soo gaaray

Gudiga Gurmadka Qardho ee iskugu jiray Dowlada,Culumada iyo haldoorka Bulshada,ayaa soo bandhigay lacagaha iyo Raashinka soo gaaray.

Sidoo kale Gudigu waxuu soo afmeereen wajigii koobaad ee gurmadka,waxayna soo bandhigeen sidii loo maareeyay wajigaas.

Xaqiiqdii Gudigu wax hufan oo lagu qanci karo ayay bulshada la wadaageen.

Talaabo muujinaysa nidaamka Dowliga ah ee Puntland sida uu uga horeeyo nidaamyada kale ee guud ahaan Somaliya.

Wajiga labaad waxaa ugudbay lacag gaaraysa 3-Milyan oo dolar,Raashin 4300 oo Kiish ah iyo 1200 oo Shamiito ah.

Waxaan sugnaaba waa sida loo daahfuro loona maareeyo wajiga labaad oo ah kan ugu muhiimsan gurmadka Qardho,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka