Hot Topics

Faahfaahin Shirkii Jabuti oo fashilmay

Faahfaahin Shirka Jabuti iyo fashilkii maanta”

Dowladda Mareykanka,ayaa soo qabanqaabisay Shirka,waxaana gogasha martigalisay Dowlada Jabuti.

Shirka waxaa ka qeyb-galay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,Safiirka Maraykanka iyo wafuud ka socota Dalalka caalamka ee daneeya Arimaha Somaliya.

Shirku wuxuu socon doonaa sida qorshuhu yahay muddo labo maalin ah.

Wajiga kowaad ee shirka waxaa shir guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Khudbaddo waxaa ka jeediyay…

Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Biixi.

Safiirka Mareykanka,

Ra,iisulwasaaraha Itoobiya.

Daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya.

Shirka,ayaa waxaa intiisii dambe hareeyay Doodo adag oo la xiriira in la aqoonsado Somaliland, madaama uu khudbadiisa kusoo darsaday Madaxweynaha Somaliland, taas oo sababtay in si dhaqsaa loo soo gaba-gabeeyo laguna kala kaco.

Adna Aadan Dhakhtar,ayaa buuqa ugu badan ee sababay in Shirka lagu kala kaco lahayd,iyadoo banadey shirka,sida ay iixaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wajiga labaad ee shirka waxaa dhanka DFS horkacaya Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre, oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fadaraalka.

Dhanka Somaliland waxaa horkacaya Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Gaal oo wehlinayo Wasiirka arrimaha Dibedda Faratol.

Shirka wajigiisa labaad waxaa looga hadlayaa xallinta arrimo ay ugu waa weyn yihiin…

Deeqaha
Hawada
Iskaashiyo muhiim u ah labada dhinac.

Wajigii saddexaad ee Shirka,ayaa dib loo dhigay sida ay iixaqiijiyeen diblomaasiyiin madasha ku sugan.

Wajiga sadexaad waxaa la filayay in looga wada-hadlo 30-sanno kaddib halka loo dhaqaaqayo,balse Somaliland,ayaa sheegay in ay ka laabatay midowgii Waqooyiga iyo Koonfurta, maadaama lagu dulmay, sidoo kalena ay xasuuqday Dowladdii Soomaaliya ee Milaterigu horkacayay.

Jibril Qoobey.