Hot Topics

Madaxweyne Deni oo la filayo in uu jeediyo khudbad muhiim ah

Madaxweyne Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu furo Kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, isagoona ka jeedin doono khudbadda si weyn looga sugayo maanta gudaha degaanada Puntland.

Madaxweynaha ayaa la filayay in inta uu jeedinayo khudbadiisa Dastuuriga ah uu soo hadal qaado shirka Jabuuti uga socda Madaxda DFS iyo Somaliland, Shirka Golaha Amniga Qaranka ee uu Axadii Iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo, Warkii kasoo baxay Villa Somalia ee Madaxweynaha Jubbaland loogu aqoonsaday Madaxweyne KMG ah, ayna ganafka ku dhafatay Jubbaland, iyo Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-2021.

Abdirashiid A. Warsame