Hot Topics

Maraykanka oo bogaadiyay aqoonsiga Axmed Madoobe ee Villa Somaliya iyo Shirka wadatashiga

Maraykanku waxuu soo dhaweeyay oo bogaadiyay aqbalaada ay aqbashay Villa Somaliya soo jeedintiisii ku dhawaaqida Shir Wadatashi oo Madaxda Qaranku iskugu yimaadaan iyo aqoonsiga Axmed Madoobe ee Madaxweynaha Jubaland.

Warka kasoo baxay Maraykanku ma xusin mudada 2-da sano ah ee Villa-du afka ku dhufatay,taasina waxay muujinaysaa in 2-daa sano ay iska tahay af gobaadsi ee muhiimadu ay ahayd aqoonsiga.

“Safaarada Maraykanku waxay soo dhawaynaysaa oo bogaadinaysaa ku dhawaaqida Villa Somaliya ee Shirka Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo aqoonsiga Dowlada Axmed Madoobe ee Jubaland wada hadalka iyo dib uheshiisiinta,ayaa fure u ah nabada iyo horumarka Somaliya”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Safaarada Maraykanka ee Somaliya.