Hot Topics

Maraykanka oo ku bogaadiyay Geelle doorkiisii Odaytinimo ee Bariga Africa

Safaarada Maraykanka ee Jabuti oo bogaadisay martigalinta gogosha lagu wada hadal siinayo Somalida 20-sano kadib shirweynihii Carta ee lagu soo yagleelay Dowlada Fadaraalka Somaliya ee hada shaqaysa.

Bogaadintan waxay Ismaaciil Cumar Geelle uga dhigan tahay wax weyn xiligan oo uu dareemayay go’doon diblomaasiyadeed iyo kacdoon shacab oo gudaha uga bilowday.

Waxaa xusid mudan in 20-sano kadib Jabuti weli uu hogaaminayo hal Madaxweyne halka Somaliya ay isu badaleen 5-Madaxweyne.

Dad badan,ayaa qaba in Jabuti laftigeedu ubaahan tahay garab istaag Dimuqraadiyadeed.

“Safaarada Maraykanka ee Jabuti waxay bogaadinaysaa martigalinta Osmaaciil Cumar Geelle 20-sano kadib Shirkii taariikhiga ahaa ee Carta iyo doorkiisa isdhexgalka Bulshada ku nool Bariga Africa”Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Safaarada.

Jibril Qoobey.