Hot Topics

Ilhaan Cumar oo Aabaheed geeriyooday

Aabaha Ilhaan Cumar, ayaa habeenkii Isniintii u geeriyooday cuduruka COVID-19, sida bayaan ay soo saartay ay ku sheegtay Ilhaan oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka.

“Waxaan ayada oo aad u murugo iyo xanuun badan macasalaama dhahayaa aabahay,” ayey Ilhaan ku tiri bayaanka ay soo saratay. “Erayo kuma qeexi karo waxa uu uga dhignaa aniga iyo inta taqaanay ee jecleyd.”

Ilhaan iyo aabaheed Nuur Cumar Maxamed ayaa ayaga oo qaxooti ah yimid Mareykanka 1995-kii, markaasi oo ay kasoo carareen dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya, waxayna ugu dambeyn degeen magaalada Minneapolis.