Hot Topics

Wararkii ugu danbeeyay wadahadaladii Jabuti

Sida xogihii ugu danbeeyay sheegayaan Gudigii farsamada ee wadahadalada Dowlada Fadaraalka iyo maamulka Somaliland waxay marayaan meel xasaasiya.

Somaliland waxay ku adkaysatay in aysan gorgortan ka galayn gooni isutaageeda.

Halkaa markuu marayo wada xaajoodka,waxaa soo faragaliyay Dowladaha Maraykanka iyo itoobiya oo labada dhinac si gaar-gaar ah ula kulmay.

Kadib Dowladahaas waxay soo jeediyeen in Somaliland lagu qanciyo si ay goosashada uga soo dabacdo Nidaamka loo yaqaan Konfederaal.

Dhinaca Gudiga Farsamada Dowlada Fadaraalka way aqbaleen soo jeedintii Maraykanka iyo Itoobiya ee Konfederaalka.

Dhanka Gudiga farsamada ee Somaliland ayay Dowladahaasi la’aadeen soo jeedintoodii si ay uga dhaadhiciyaan.

Ma cada Somaliland in ay udabci doonto soo jeedintoodaas.

Nidaamka Konfederaal waa mid aduunka ka jira,waxaana Dowladaha ku dhaqma ka mid ah ingiriiska iyo Ireland.

Nidaamka Konfederaal waxuu dhigayaa in la ahaado laba Dal oo ka midaysan Ciidamada Milatariga iyo siyaasada qaarkeed oo kaliya.

Somaliland haday aqbasho nidaamka Konfederaal waxay u tahay guul taariikhiya oo ay ka gaartay hankeedii.

Jibril Qoobey.