Hot Topics

Yaa Kheyre ku khasbay inuu tanaasulo, maxaase lagula taliyay ?

Sida xoguhu sheegayaan Khayre markuu soo gaaray Muqdisho oo uu bilaabay abaabul uu isku difaaco,waxaa kulan gaar ah la yeeshay Siyaasiyiin iyo Waxgarad beeshiisa ah,kuwaasoo kula taliyay in uu aqbalo xilka qaadista.

Haldoorka beeshiisa ee talada bixiyay waxay usheegeen in uu horay taladooda udiiday hadana Hawiye garab taagan uusan jirin oo xataa Murursade ku midaysnayn difaaciisa.

Waxgaradku waxay talo ugu soo ururiyeen in uu xilka qaadista aqbalo banaanka uga baxo dowlada isbahaysi samaysto kadibna uu qayb ka noqdo cadaadiska xooga leh ee la saarayo kooxda ee ku aadan in aysan mudo kororsi samayn.

Khayre maalmaha soo socda waxuu ubixi doonaa dalka dibadiisa sida xogtu sheegayso.

Jibril Qoobey.