Hot Topics

Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Puntland oo xilkii la wareegay (VIDEO)

Munaasabadda uu xilka kula wareegay Difaacaha cusub ee Xuquuqda Aadanaha Avv. Siciid Cabdi Muumin ayaa ka dhacday Xafiiska Difaacaha waxaana ka qayb-galay Wasiirka Caddaaladda, Wasiir Dawlaha madaxtooyadda, Xubno ka tirsan Baarlamanka, Garsoorayaal ka tirsan maxkamadda sare, Hanti-dhawraha guud, Gudoomiyaha gobolka Nugaal, Gudoomiyaha hay’adda Astaynta iyo maamul-wanaagga, xubno ka mid ah Guddiga madaxa-bannaan ee Doorashooyinka, Guddoonka Bulshadda rayidka ah ee Puntland, hawl-wadeennada xafiiska iyo masuuliyiin kale.

Madaxda kala duwan ee munaasabadda ka hadlay ayaa talooyin iyo duco u jeediyay difaacaha oo ay sidoo kale kula dardaarmeen Dhawrista iyo horumarinta xaaladda xuquuqda Aadanaha Puntland.

Avv. Siciid Cabdi Muumin Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ee Baarlamanku doortay 19-kii bishan Luulyo 2020, ayaa munaasabadda ka sheegay meelaha ugu muhiimsan ee uu xoogga saarayo si kor loogu qaado dhawrista iyo horumarinta xuquuqda Aadanaha. Wuxuu xusay in munaasabadda kadib ay si dardar leh ku bilaaban doonaan shaqooyinka xafiisku.

“Dadku waa in ay u hadlaan xaqooda sababtoo ah xuquuqdu iyadu ma hadasho” ayuu yiri Difaacaha Cusub isagoo intaas ku daray inuu xoogga saari doono horumarinta xorriyada hadalka ee dadka Puntland si loo sugo caddaaladda loo baahan yahay iyo xuquuqda muwaadiniinta.