Hot Topics

CC Warsame oo digniin adag u diray Madaxweyne Farmaajo (VIDEO)

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdirahman Cabdishakur Warsame oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha Beelaha Mudulood, ayaa ka hadlay xaalada dalka, isagoona digniin u diray Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo xubnaha kale ee ka tirsan Dowladda ee ku howlan burburinta hanaanka dilmuquraadiga ah ee ka hana-qaaday Soomaaliya 20 sanno ee lasoo dhaafay.

“Annaga dhib ma rabno dhibaatana ma rabno, nabad baan rabnaa Dilmuquraadiyad yaan rabnaa, laakiin cidii intaas diida dhibka ayadaa wada” ayuu yiri Siyaasi CC Warsame.