Hot Topics

Madaxweynaha Puntland oo balan-qaaday xero Milateri oo laga hirgalin Saaxo (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Saaxo, ayaa warbixin ku saabsan baahiyaha ka jira deegaanka ka dhegaystay Hoggaanka dhaqanka, Waxgaradka iyo haldoorka Bulshada.

Dadka deegaanka ayaa ka mahadceliyay Booqashada Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee booqda degmada Saaxo.

Madaxweyne Deni ayaa Bulshada degmada Saaxo uga mahadceliyay soo dhoweynta wanaagsan, wuxuuna la wadaagay xarumaha Dowladdeed ee uu xariga kajaray, kuwa la dhaggax dhigay iyo qorsheyaasha waxqabad ee degmada.

Sidoo kale, Madaxweynaha dhagax dhigay mashruuca balaarinta Dhismaha Dugsiga Hoose/dhexe iyo Guriga Hoyooyinka ee degmada Saaxo.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kormeeray Ciidamada Darawiishta Dowladda Puntland ee degmada Saaxo, wuxuuna ballan qaaday dhismaha xerada Ciidamada Daraawiishta ee Saaxo.