Hot Topics

Siyaasi CC Warsame oo ka hadlay Is hor-taagii Ciidanka DFS ku sameeyeen KHEYRE (VIDEO)

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo khudbad ka jeedinayay Munaasabad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay xalay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee Dalka iyo hab-dhaqanka Saddex sanno iyo bar uu Madaxweyne Farmaajo kusoo hoggaaminayay DFS.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Dowladda Madaxweyne Farmaajo ay Dalka gaarsiisay meel adag, taas oo sababtay in Soomaaliya ay u jiheysato mar kale wadadii burburka, wallow ay jiraan dad taas hor istaagsan.

Sidoo kale, Siyaasi CC Warsame ayaa soo hadal qaaday hor istaagii ay Ciidamada Dowladda Arbacadii ku sameeyeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Xasan Cali Khayre, xilli uu galayay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana uu sheegay in ay dhici doonto mar aan fogeyn in saas ay Ciidammadu ula dhaqmaan Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin, maadama ay iyaga iyo saaxiibkoodii hore Ciidanka u adeegsan jireen Siyaasadda, halkii ay u jiheyn lahaayeen u shaqeynta Dalka iyo ilaalinta nidaamka.