Hot Topics

Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka Puntland oo lagu Aasay Turkiga (Sawirro)

Waxaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga Aas-Qaran loogu sameeyay Illaah ha u naxariistee Xildhibaan Daa’uud Nuur Muuse oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Aas-Qaran ee Marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay Madax ka soctay Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga, Wasiiro Xildhibaano hore oo ka tirsanaa DFS & Puntland, Waxgarad, ehelada marxuumka iyo dhallinyaro.

Illaah ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Daa’uud Nuur Muuse ayaa ku geeriyooday magaalada Ankara ee Dalka Turkiga 26-Agoosto-2020.