Hot Topics

Maxaa kasoo baxay kulankii Deni, Madoobe & Safiirada Beesha Caalamka ? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani iyo Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, kulank wadajir ah kula yeeshay Magaalada Muqdisho Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.

Madaxweynayaasha ayaa si gaar ah ula kulmay Safiirada dalka Maraykanka, UK, Sweden, Midowga Yurub, iyo Talyaaniga, kulanka ayaana diirada lagu saaray sidii Soomaaliya ay uga dhici lahayd Doorasho la isla ogolyahay oo xiligeeda ku dhacda.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland & Safiirada Beesha Caalamka ayaana ku heshiiyay in la muujiyo Tanaasul loona turo Shacabka Soomaaliyeed.