Hot Topics

Falanqayn:-Farmaajo ma fulin doonaa?

-Qodobka 1-aad ee Gudiga doorashada Calaamad su’aal,ayaa dul saaran “?”,taasoo ah ma Xaliimo Yarey buu soo celin doonaa??

Inkastoo dadka falanqeeya siyaasada ay qabaan xataa haduu Xaliimo keeno wax saamayna kuma yeelan doono ergada beelaha ee dooran doonta Xildhibaanka.

-Qodobka 11-aad ee meel marinta Baarlamaanka calaamad su’aal baa dul saaran “?”.

Inkastoo falanqeeyayaashu leeyihiin Baarlamaanku ma hor istaagi karo oo sidiisuu ku ansixinayaaheshiiskan.

Balse dad baa ka shaki ka qaba balanta Farmaajo oo weli ay lug ulaaban tahay.

-Qodobka 8-aad ee doorashada Xildhibaanada beesha Isaaq isagana calaamad su’aal,ayaa dul saaran “?”,.

Shaki weyn,ayaa laga muujinayaa dadka dooranaya Xildhibaanadaas iyo saamaynta masuuliyiinta Dowlada.

-Qodobka 2-aad ee Goobaha doorashada laftigiisa waxbaa layska waydiiyay.

Dad baa qaba in Farmaajo saamayn ku yeelan karo Xildhibaanada beesha Sade ee Gedo,inkastoo dadka xog ogaalka ah ay leeyihiin haday ugu badato 7-Sade waxuu ka heli doonaa 3 ama 4.

Isku soo wada duuboo Qodobada soo baxay waa kuwo dan Somaliyed ku jirto oo la qaadan karo.

Jibril Qoobey.