Hot Topics

Madaxweyne Axmed Madoobe oo ku wajahan Puntland

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa la filayaa inuu 48 saac gudahood uu kusoo gaaro Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Ujeedada Socdaalka Axmed Madoobe ee Puntland ayaa lagu sheegay inay tahay in wada tashiyo ku aadan xaalada Dalka ay wada yeeshaan isaga iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni oo isaguba Axadii kusoo laabtay Garoowe, kaddib socdaal qaatay 48 maalmood oo uu Puntland uga maqnaa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ay wada tashigooda diirada ku saari doonaan Heshiiskii laga gaaray Doorashooyinka ee Muqdisho, iyo fulinta qodobadii gundhiga u ahaa oo ay kamid aheyd Arinta Gobalka Gedo, iyagoona ku dhawaaqi doona xubnaha ku matalaya Guddiyada Doorashooyinka.