Hot Topics

Ciidanka PSF-ta Puntland oo howlgallo ka sameeyay Gaalkacyo

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Puntland (PSF-ta), ayaa howlgallo ka sameeyay maanta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, iyagoona lagu arkayay qaar kamid ah waddooyinka waa weyn ee Gaalkacyo.

Ciidanka PSF-ta Puntland ayaa hubinayay gaadiidka Dadweynaha, waxaana uu howlgalkoodu kusoo aadayaa xilli dhowaanahan lagu dhaliilayay PSF-ta in aysan ka qeyb aheyn wax ka qabashada Amniga Gaalkacyo.