Hot Topics

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo dacwad ka dhan ah Farmaajo u gudbiyay Beesha Caalamka (Akhriso)

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa warqaddan u diray beesha caalamka, isagoo ku sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo xukuumaddiisu ay sharcigii ku tunteen isla markaana ay nidaam sharciga baalmarsan u mareen magacaabista guddiyada doorashada Soomaaliya.