Hot Topics

Dulmar Arimaha Dagaalka Tigre iyo Aragtida Aduunka (Warbixin)

Odhaahda Maanta (Talk of the Town)
Los Angeles, California, Nov 15, 2020

Dulmar Arimaha Dagaalka Tigre iyo Aragtida Aduunka

Dagalkii ka bilowday Gobolka Tigree November 4, 2020, weli wuu socdaa. Qorshihii ahaa in uu noqono dagaal dhowr beri ku afjarma oo bar tilmaamsan doona madaxda iyo dhufaysyada TPLF, hadeer waxaad moodaa in u diga rogtay (1) dagaal balaadhan oo taabanaya Itoobiya, Ismaamulada Axmarada iyo Canferta, Tigree, iyo Ereteriya; iyo (2) dagaal noqon kara dagaal sokeeye. Waxaan inaba sheki ku jirin in Axmaaro iyo Tigre si gaar ah isku bar tilmaamsanayaan.

R/W Abiy waxa uu dagaalkan ku sifeeyey sharci socodsiin (law and order). Sideedabana Sharci socodsiin (law and order) waxa sal u ah fakirka in ciqaabtu ku jaan go’antahay dambiga. Dagaalkan hada socda marka aad eegto aaladaha lagu dagaalamayo, weerarada cir iyo dhulba leh, dilka, dhaawaca, barakaca iyo saadaasho dagaal sokeey, laguma tilmaami karo sharci socodsiin. Ganaaxa ayaan innaba ku jaan go’nayn dambiga la sheegayo. Halkaas R/W talaa ku seegtay doodiisuna meel mar ma laha.

Wergeysada rer-Galbeedk, oo durba dawlada Itoobiya ka biyo diiday, waxay dagaalk ku soo ururiyeen 10 arimood:

  1. Waa dagaal ka dhashay kala aamin-baxa iyo qowmiyado kala fogaaday, taasi oo keentay en Tirgregu ku dhago nidaamkii 30 soo jiray oo ahaa mid qomiyaduhu awooda iskxunkun leeyihiin, iyo Axmaaro oo Abiy ku jujuubtay in uu nidaamkaasi wiiqiyo.
  2. Itoobiya waxa ku dhowdahay meel aan laga soo noqon kareyn (point of no return), sidaas waxa qoray Mail Guardian oo dalka Ingriiska ka soo baxa.
  3. Askar badan oo ka tirsan Liyu Boliska Axmarada ayaa ku dhintay ka dib markay isku dayeen in ay qabsadaan goobo Axmaradu asal ahaan sheegtaan.
  4. R/W Abiy oo isbadal aan habeysnay ku sameeyey maamulka Axmaara hadeerna tafaraaruq ku keenay maamulka gobolkaas ayaa laga baqayaa in kooxaha Axmaarada mayal adagi R/W Abiy ku kacaan (Waxa sidaas qorey Foreign Policy Magazine).
  5. Taageerada milateri iyo sirdoonka raacsan R/W Abiy oo gaabis noqonaya ay sababay in tiro yar oo Axmaaro ahi ku wareegsanaato. Hadii saraakiishasi isku rogaan R/W Abiy, Itoobiya waji kale ayey gali doontaa (Foreign Policy Magazine).
  6. Tigray sadex furinood ayey hadeer dagaalka kaga jirtaa (Axmara, Canfer, iyo Eriteriya, waxa dheeri ku ah ciidamada Itoobiya). Ama wey ku hongoobi ama wey ku najixi oo afgambi ayay Issaias ku keeni doontaa. Wayse adagtay sida Tigre arinka uga dabaalan karto.
  7. Dhinaca ay Suudaantu raacdo ayaa laga yaabaa in guudsho raacdo. Khaliijka iyo Baxrain ayaa laga yaabaa in ay cadaadis saaraan Sudan si ay R/W Abiy dhinaciisa ula safataan. Hase yeeshee, dhul-beereedka sadex geesoka ah ee Fashqa (Fashqa Triangle) oo Axmaaradu sheegato ayaa gacanta Sudaan ku jira. Sudani waxay rabtaa in loo sharciyeeyo xadka labada wadan u dhexeeya oo lugu jaangooyo heshiiskii 1902. Hashiiskaasi oo dhanaca kalena Itoobiy ka eexanaya marka laga eego arinta biyaha Niilka. Shir uu dhawaan Abiy laqaatay madaxda Sudaan waala isku Afgran waayey. R/W Abiy innaba ma sameyn karo arintaas. Wuu ku guban.
  8. Wargeyska afka dheer ee Economist layidhaa iyo The New York Times waxay labaduba soo hadal qaadeen caqabada hortaagan R/W Abiy sida uu isu waafajin lahaa Gudoonka Shahaadada Nabada (Nobel Prize) iyo Dagaal Cir iyo Dhul ah u uku qaado Ismaamul Gobol oy caruur iyo maatiba ku waxyeeloobi karaan
  9. Sputnik International oo laga leeyahay Ruushka xafiisyana ku leh New York, Washington, London iyo xurumo kale oo Yuruk ka tirsan ayaa ku tilmaamay hindisaha dagaalka R/W Abiy maleegay mid u uku rabo AWOOD URURSI, waa sida hadalka loo dhige.
  10. Christian Science Monitor (waa wergeys da’weyn) iyo Royal African Society waxa labaduba isku raaceen in dagaalka Woqooyiga Itoobiya ka socdaa uu qayb ka yahay hindisaha iyo go’anka R/W Abiy ku rabo in uu Itobiya ku soo celiyo Dawlada awoodu ku urursantahay dawlada dhexe (unitary state).

Waa agenda muda dheer Axmaaro wadatay. Waxa barbar socda dareenka R/W Abiy qabo oo ah hadii aanu xaalada Tigree gacan bir ah ku qaban, in ay gobole kale ay diidi doonaan in dib loogu noqdo nidaamadii hore ee Axmaartu ku tun weynayd.

Sikastaba ha ahaatee, waxa nuxurku yahay in labo xoog kala jiidanayaan Itoobiya. Xooga adeecsan dawlad dhexe oo muquunisa dawlad gobaleedyada, iyo kuwa iyagu raba in ay sii wataan nidaamka axdgi ku duugan ee awood qiimo leh siinaya Dawlad Goboleedyada. Suaasho waxay tahay ganaax u qalma madaxda TPLF iyo duniibtii ay galin ma la heli karaa, iyada oon lagu durdurin nidaamka faderaaliga ah ee mudada boqolka sano ku dhow loo soo halgamayey?

R/W ilaa hadeer uma eka masual u diyaarsan iswaafajinta labadan xoog. Waxa la quudareynayaa in la helo dadkii wax xeerin jiray eek u maahmaahi jira “SIDEE XEEDHO XEEDHO U NOQOTAA ILAKANA U NABAD GALAAN!” Walee Somaali talo wey lahaan jirtay ee tag yari ayaa haysa!

W/Q: Feysal Rooble