Hot Topics

Wasiirka Cadaaladda Puntland oo booqday xabsiga Qardho (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dowladda Puntland Mudane Awil Mahamed, oo gaaray magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar ayaa booqday Xabsiga weyn ee Qardho, Maxkamadda, Xafiiska xalinta Khilaafaadka ee Odoyaal dhaqameedka iyo Xarunta Gobolka Karkaar.

Wasiir Xaamud ee ayaa sheegay in socdaalkiisa Qardho uu la xariiro u kuurgalida xaalada Maxaabista ku xiran Xabsiga weyn, habsami u socodka Cadaladda iyo xalinta Khilaafadka ee bulshada soo kala dhexgala.