Hot Topics

Guddoomiye Mursal iyo Muudeey oo ku biiray Shirka midowga Musharixiinta (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdirahman oo uu wehlinayo Guddoomiye ku-xigeenkiisa 1-aad Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey, ayaa goor-dhoweyd oo caawa ah ku biiray Shirka Wadatashiga Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2020 – 2021 ee maalintii sadexaad ka socda magaalada Muqdisho.

Guddoonka Golaha Shacabka BJFS iyo Musharixiinta Madaxweynaha oo uu qeyb ka yihiin illaa 12 Musharax ayaa  waxaa haatan u socda shir gaar ah oo ay uga wada hadlayaan arimaha doorashooyinka iyo caqabadaha jira ee ku aadan guddiyada doorashooyinka.

Shirka ayaa waxaa galinkii hore ee maanta waxaa ku biiray Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kaas oo intii uu Shirka ku sugnaa tallooyin ku kordhiyay Musharixiinta, sidoo kalena u balanqaaday taageerada qodobada kasoo baxa Shirkan.