Hot Topics

Maxay ka Wada-hadleen Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Amb. James Swan ? (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta kulan dhanka khadka Internet-ka ah la yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Kulanka Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Amb. James Swan ayaa inta uu socday looga hadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka 2020 – 2021, iyagoona si gaar ah diirada u saaray dhacdooyinkii u dambeeyay ee Dalka. kulanka ayaana kusoo dhamaaday is afgarad.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa ka biya diidan Siyaasadda Madaxweyne Farmaajo ee ku aadan Arrimaha Doorashooyinka, gaar ahaan Doorashada Xildhibaanada Labada Aqal ee kasoo jeeda Gobalada Waqooyi (Somaliland), waxaana dhowaan uu magacaabay Guddiga Doorashada Xildhibaanadaas.