Hot Topics

Xaalad deg deg ah oo looga dhawaaqay Magaalada Boosaaso (VIDEO)

Guddoomiyaha Gobalka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, oo Saxaafadda kula hadlayay Magaalada Boosaaso ayaa ku dhawaaqay in xaalad deg deg ah ay gashay Boosaaso kaddib roobab mahiigaan ah oo ka da’ayay Magaalada 24 saac.

Guddoomiye Abwaan ayaa sheegay in roobabku ay saameeyeen 12 Kun oo Qoys, oo 6000 kun oo kamid ah ay ku waayeen guryahoodii iyo wixii ay quudanayeen, isagoona xusay inay socdaan dadaalo ay wadaan Maamulka Gobalka iyo Kan Degmada oo ku aadan in la samata bixiyo dadka roobabku saameeyeen.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobalka Bari ayaa sheegay in roobab dabeylo wata ay ku dhufteen Degmooyin ay kamid yihiin Qandala iyo Isku-shuban iyo deegaano kale, kuwaas oo burburiyay Guryo farabadan, sidoo kalena xoolihii kala tagay Dadkii Reer miyiga ahaa.

Duufaanta GATI ayaa ku dhufatay deegaanada dhaca xeebaha Gobalada Bari, Karkaar iyo Gardafuu ee Puntland, waxaana ay waxyeelo ba,an u geysatay Dadka iyo Duunyada, Puntland ayaana guddi u saartay wax ka qabashada xaaladan.