Wasiir Xundubey “Siyaasiyiinta xil doonka ah waa inay Amniga ilaaliyaan” (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradad Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay guud xaqiijineyso amniga dalka maadaama la galaayo waqti adag oo doorasho.

Wasiir Xasan Xundubey ayaa sheegay in sugida Amniga kaliya aan qoray loo adeegsan doonin,sidoo kale ay wacyigelin ku maareyn doonaan, waxaana uu Bulshada ugu baqay inay Ciidamada Amniga kala Shaqeeyaan sugida dhinaca Amniga.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in mas’uuliyiinta xilka haaya & kuwa hadda doonaya ay jecel yihiin in qof walba waqtiga uu joogo uu amniga hagaagsanaado,sidaas daraadeedna ay muhiim tahay in laga wada Shaqeeyo.