Hot Topics

Video:-Trump oo laga yaabo Insiinta in xilka laga qaado?

Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka, Nency Pelosi,ayaa sheegtay, in ay xilka qaadi doonaan Madaxweyne Trump haddii uusan is casilin.

Aqalka Wakiillada oo ay aqlabiyadduusu hadda heystaan Dimoqraadiga ayaa diyaarinaya qodobka xil-ka-xayuubinta madaxweynaha, kaasoo oo ay warbaahinta Mareykanku ku sheegeen inuu noqon doono “Kicinta Kacdoon lagu ridi rabay dowladda”

.Qodobkaasi,ayaa Madaxweynaha ku eedeynaya in uu dhiirrigeliyay rabshado ka dhacay xarunta Kongareska, kaasoo ay ku dhinteen ilaa iyo shan qof.

Haddii ay Aqalka Wakiillada xilka ka qaadaan madaxweynaha, si taasi ay ansax u dhaqangasho waxay u baahnaan doontaa in Aqalka Senatka ay Iyana xilka ka qaadaan, taasoo u baahnaan doonto in qaar ka mid ah mudanayaasha Jamhuuriga o oleh aqlabiyadda golahaasi ay ku biiraan xildhibaannada dimoqraadiga.

Trump,ayaa muddo xileedkiisa Aqalka Cad u uku egyahay 20-ka bishan Jannaayo.VOA.

Halkan ka daawo muuqaalka