Video:-Sharcidajiye laga soo doorto Galbeedka Virginia oo loo qabtay dhacdadii Capitol Building

“West Virginia lawmakers Derrick Evans, who live-streamed himself during the storming of US Capitol Building, being arrested by the FBI”.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence,ayaa ka mid ah dadka dalbaday in maxkamad lasoo taago kuwii qalalaasahaas sameeyay, sharciga ugu adagna la marsiiyo.

Khubarada dhinaca sharciga ayaa sheegay in dadka dambiyada geystay qaarkood ay wajihi karaan 20 sano oo xabsi ah.Tiro ka mid ah xildhibaannada Mareykanka,ayaa khasab ka dhigay in shaqada laga eryo saraakiil sar sare oo ay u heystaan mas’uuliyadda wixii dhacay.

Chuck Schumer oo loo doortay hoggaamiyaha Aqalka Senate-ka,ayaa sheegay in marka xilkiisa loo dhaariyo uu shaqada ka eryi doono Mike Stenger oo taliye u ah ciidanka ilaalada Senate-ka.

Sidoo kale afhayeenka Congress-ka Nancy Pelosi ayaa sheegtay in uu iscasili doono sarkaal kale oo lagu magacaabo Paul Irving oo taliye kale ah.

Halkan ka daawo muuqaalka