Hot Topics

Foolxumadii Trump la hoyday Farmaajo ma iska badbaadin doonaa?

Bismillah,

Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa maanta sumcad xumo, fashil iyo karaahiyo kala baxay Aqalka Cad. Donald Trump wuxuu hormuud u ahaa madaxda aan isku kalsooneyn ee cuqdadeysan ee sanadihii lasoo dhaafay dunida kusoo batay.

Muddo xileedkiisii dastuuriga wuxuu ku dhammeystay:

  1. Duridda natiijada doorashadii uu isagu ku guuleystay
  2. Ceebeynta iyo aflagaaddeynta madaxdii ka horreysay
  3. Kicinta iyo kala qeybinta shacabkiisa
  4. Soo dhaweysiga cadowga taariikhiga ah ee dalkiisa (Ruushka) iyo fogeynta saaxiibbada soo jireenka ahee (Yurub)
  5. Xil u dhiibidda dadka inta ugu aqoonta iyo kartida liidata
  6. La dagaallanka cadow aan muuqan oo uu isagu ku riyooday
  7. Isku koolleynta kursiga iyo diidmada doorasho xor & xalaal ah

Madaxda ku dhaqanka ah Trump ee fowdada ka wada dalal badan waxaa u dambeysa khaatumo xumadiisa oo kale. Waa la doogiye yaan la dacareysan.

Wabillahi towfiiq,

Abdi Aynte.