Maxaa looga dooday Shirka Golaha Wasiirada Jubaland?

KISMAAYO- 20 JAN 2021 SHIRKA GOLAHA WASIIRADA DOWLAD GOBOLEEDKA JUBBALAND OO UU SHIR GUDOOMIYEY MADAXWEYNE KUXIGEENKA JUBBALAND MUDANE MAXAMUUD SAYID AADAN.

Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland waxaa maanta oo Khamiis ah shir guddoomiyey Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyadoona uu qayb ka ahaa Madaxweyne kuxigeenka 2-aad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere.

Ugu horeyn Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa golaha wasiirada uga warbixiyey xaaladda siyaasadda dalka gaar ahaanna arrimaha doorashooyinka, ammaanka iyo xaaladda qalafsan ee ka taagan gobolka Gedo.

Xaaladda gobolka Gedo oo dhacdooyin kasoo cusboonaadeen labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayuu Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland uga warbixiyey golaha Wasiirada, waxa uu sheegay in qaraxyo iyo dilal ay kooxaha xagjirka ah ka geysanayaan gobolkaa taas oo dib u dhac ku ahaa xaaladda guud ee amniga dalka gaar ahaan gobolka Gedo oo amnigiisu ahaa mid la isku haleyn karo waqtigii ay gacanta ku heysay dowlad goboleedka Jubbaland.

Wasiirka Caafimadka ee Jubbaland Mudane Mursal Maxamed Khaliif ayaa dhankiisa ka warbixiyey safar uu ku tagay qayb kamid ah deegaanada Jubbaland gaar ahaanna gobolka Gedo, wuxuuna sidoo kale warbixin ka bixiyey shir sanadle ah oo ay Wasaaradu qabatay sanadkii afaraad oo xiriir ah, kaas oo ay ku kala war qaataan Hay’adaha deeqaha bixiya iyo Wasaarada Caafimaadka waxaana inta badan diiradda lagu saaraa waxyaabihii la qabtay iyo kuwa la qabanayo.

Sidoo kale waxaa warbixin soo jeediyey Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlad Goboleedka Jubbaland Marwo Qamar Deeq Xaaji Khaliif iyadoo Golaha Wasiirada uga warbixisay safar ay ku tagtay magaalada Muqdisho halkaas oo ay kaga qayb gashay shirar dhowr ah oo looga hadlaayey arrimaha qoondada Haweenka iyo doorka ay ku leeyihiin doorashooyinka dalka.

Caydiid Saleebaan Xaashi Wasiirka Deegaanka iyo Dalxiiska Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa golaha uga warbixiyey deegaano dhaca duleedka magaalada Kismaayo in ay ka jirto xaalufin kadib markii dadku jareen dhirtii deegaanka iyaga oo aan u haysan wax sharciyad ah.

Golaha Wasiirada ayaa isku raacay in dadka Jubbaland la xasuusiyo in la diyaariyey xeerarka iyo bixinta sharciyada dhulalka, dadkana looga baahan yahay in ay u hogaansamaan awaamiirta Dowlada cidii si sharci darana ku baneysa dhul islamarkaana jartaa dhirta in lala tiigsan doono sharciga.