Maxaa dhexmaray Deni,Axmed iyo Wakiilada beesha caalamka?

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland dood macquul ah oo ay ku qanceen Wakiiladii beesha caalamku,ayay la shir yimaadeen..

1.Arinka Gedo waxay ku doodeen in uu qayb ka ahayd heshiiskii 17-kii Sep,kaasoo dhigaya in Dowlad Goboleed kasta laba goob doorasho laga sameeyo maamulkeedana uu lahaado Dowlad Goboleedkaas,balse Dowlada dhexe ay hor istaagtay hirgalintiisa.

2.Xildhibaanada Waqooyi waxay ku doodeen heshiiskii 17-kii Sep in uu dhigayo in ay soo xulaan Gudigooda Siyaasiyiinta kasoo jeeda Goboladaas,taasna waxaa lug jiiday Dowlada dhexe oo Odaygii ugu miisaanka cuslaa Cabdixaashi banaanka dhigtay.

3.Arinka Gudiyada waxay ku doodeen in heshiiskii 17-Sep uu dhigayo in lasoo xulo Xubno miisaan leh,sumcad iyo qadarin ku dhex leh Bulshada oo dad soo jireen ah ubadan,taasna waxaa faragalisay Dowlada dhexe oo keentay dhalinyaro,shaqaale,Sirdoon iyo taageerayaal Xukuumadeed.

Ugu danbayntii Deni iyo Axmed waxay cadeeyeen in ay diyaar uyihiin xal loo helo ismari waaga hadii la helo nidaam qayb laga noqon karo.

Balse waxay ku celiyeen markale labada hogaamiye in Madaxweyne raba 16-ka Xildhibaan ee Gedo in uu soo qorto,isla markaana kuwa Waqooyi suuqa kasoo urursado dhalinyaro aan 30-jir gaarin in aysan Galbin ugu darayn.

Maanta ayay beesha caalamku kulan gaar ah qaadan doontaa,iyadoo ay kasoo bixi doonaan go’aamo aan Villa Somaliya farxad gelin doonin.

Jibril Qoobey.