Hot Topics

DEG DEG+Sawirro: Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo gubanaya iyo duulimaadyadii oo istaagay

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la hakiyay Duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, kaddib Madfac goor-dhaweyd lagu tuuray Garoonka.

Madfac ayaa ku dhacay gudaha garoonka gaar ahaan goob ka mid ah goobaha ganacsiga ee ku yaalla gudaha garoonka, waxaana la arkayay uuro iyo qiic ka baxayay.

Wadada isku xirta Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska KM4 ayaa ah mid ciidan, iyadoo rasaas laga maqayay, goor sii horeysay waxaa wadadaas oo bannaan socod ah ku marayay lagu rasaaseeyay qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta.