Hot Topics

Madaxweynaha Puntland oo sheegay in la qabtay Dadkii dilay Wariye Jamaal Faarax (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa sheegay inay Ciidanka Amniga Puntland gacanta ku dhigeen Dadkii ka dambeeyay dilkii Wariye Jamaal Faarax Aadan, oo 1-Maarso-2021 lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Madaxweyne Deni oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa sheegay inay dhowaan u soo bandhigi doonaan Saxaafadda kooxdii ka dambeysay dilka Wariye Jamaal Faarax, ayna mudan doonaan ciqaab.